Madaxweyne Firdhiye oo magacaabay Guddi wadaxaajood la gala Soomaaliland

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa maanta magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wadaxaajoodka, guddigan oo ka kooban toddobo xubnood oo lagu wado inay bilaabaan wadahadallo rasmi ah oo u dhexeeya maamulka Waqooyi Bari iyo Somaliland.

Ujeeddada guddigan ayaa ah in la xoojiyo nabadda iyo is-fahamka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha la xiriira isu-dhaafsiga maxaabiista ee ku kala xiran magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa.

Magacaabista guddigan waxay timid xilli magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin Garaad Kulmi Garaad Wiil-Waal, oo hore uga qeybgalay wadahadallo hore oo labada dhinac dhexmaray, iyo Jaamac Shabeel, oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana hore u sheegay inuu soo dayn doono maxaabiista ku xiran Laascaanood.

Guddiga Nabadda iyo Wadaxaajoodka Waqooyi Bari ayaa ka kooban:

  1. Saleebaan Cabdi Ducaale – Guddoomiye
  2. Cabdalle Aadan Cabdi – Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cabdi Sahal Maxamed Jaamac – Xoghayn
  4. Cabdikariin Xasan Jaamac – Xubin
  5. Jaamac Xasan Ibraahim – Xubin
  6. Maxamuud Mire Kalce – Xubin
  7. Cabdalle Axmed Maxamed – Xubin

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddigan uu door muhiim ah ka ciyaari doono dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo xasilloonida, kalsoonida iyo wada-noolaanshaha shacabka labada dhinac.

Horey ayay Somaliland iyo Maamulka Waqooyi Bari maxaabiis isaga qabteen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Gobolka Sool, taas oo hadda dadaalladan cusub lagu doonayo in lagu dhameeyo si wadahadal iyo nabad ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles