Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay in ciidamadu ay maanta soo qabteen koox lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga ganacsanayeen khamriga, iyagoo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, u adeegsanayay xayeysiinta iyo suuq-geynta khamriga.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliska, kooxda ayaa la sheegay inay sameysteen bog TikTok ah oo ay ku soo bandhigi jireen muuqaallo iyo xayeysiisyo la xiriira iibinta khamriga, taas oo ciidamada ammaanku sheegeen inay qayb ka tahay hawlo lagu faafinayo waxyaabaha mukhaadaraadka iyo khamriga.

Ciidamada ammaanka ayaa muddo waday baaritaan iyo dabagal ku saabsan xogta la xiriirta kooxda iyo habka ay u adeegsanayeen baraha bulshada. Hawlgalka maanta ayaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falalkan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu sameynayo bogga TikTok, akoonnada kale ee la xiriira, habka loo xayeysiin jiray khamriga iyo cidda kale ee laga yaabo inay ku lug leedahay hawshan.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa tilmaamay in dadka la qabtay si waafaqsan sharciga loo baarayo, iyadoo la xaqiijinayo caddeymaha la xiriira iibinta iyo xayeysiinta khamriga.

Waxaa sidoo kale socda baaritaan lagu doonayo in lagu ogaado cid kasta oo kale oo ku lug leh hawshan, waxaana kiiska loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka marka baaritaanku soo dhammaado.

Booliska ayaa sheegay in hawlgalkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga ka ganacsiga iyo faafinta khamriga iyo mukhaadaraadka.

Baaritaanka kiiska ayaa weli socda, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo marka ay ciidamada ammaanku soo gabagabeeyaan baaritaankooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles