Sunday, March 1, 2026

Kulanka Golaha Shacabka oo Maanta koram la.an u Baaqday

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen, kaddib markii xildhibaanno badan ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday kooram la’aanta uu maanta u baaqday kulanka, waxa uuna sheegay in ay ceeb ku tahay xildhibaannada in kulanka uu maanta iyaga dartood u baaqdo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaannada caadada ka dhigtay in kulamada iska baaqdaan, waxa uuna digniin adag hawada u mariyay xildhibaannada fasax la’aan isaga maqan kulamada golaha leeyahay.

“ Wax la aqbali karo ma aha in kulamada golaha kooram la’aan u baaqdaan, xildhibaannada kulamada ka maqnaadana waa la xisaabtameynaa “ ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo caro xooggan wajigiisa ka muuqatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbuucii hore furay kalfadhigga shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana maanta baaqday kulankii ugu horreeyay ee xildhibaannada Golaha Shacabka ay isugu imaan lahaayeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles