Friday, May 9, 2025

Lafta gareen oo ka tagay Muqdisho, kadib markii ay MW Xasan Sheekh isku fahmi waayeen xisbiga Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay xarunta maamulkiisa ee Magaalada Baydhaba.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne C/casiis Laftagareen uu ka tegay Muqdisho, kadib Markii ay madaxweyne Xasan Sheekh isku mari waayeen qaab dhismeedka iyo awood qeybsiga Xisbiga cusub ee Cadaaladda Iyo Wadajirka.

Xisbigan oo ay ku midoonayan Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada taabacsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo qorsheeyay inuu dalka sii maamulo muddo 5 sano ah oo hor leh, marka la qabto doorasho toos ah.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Laftageen markii hore dalbaday in la siiyo jagada Xogyaha Xisbiga cusub, taasoo loo qoondeeyay Wasiir hore C/raxmaan Odowaa, waxaana Markii la isku mari waayey ay keentay inay shalay baaqato munaasabad si weyn loo agaasimaha oo lagu shaacin lahaa urur siyaasadeedka cusub.

Ilo xogogaal ah ayaa noo sheegay in kulamadii ugu danbeeyay uu Laftagaeen dalbaday inuu xaq u leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Wadajirka, xilkaas oo meel loo dhigay RW Xamse Cabdi Barre.

Wadahadalladii socday ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo Madaxweyne Xasan uu ku qancin waayay C/casiis Laftagareen inuu ka mid noqdo xisbigiisa cusub.

Ka tegista Laftagareen ee Muqdisho ayaa la sheegay inay soo dedejisay arrin gaara oo, balse waxaa laga cabsi qabaa in sidaas ku kala tageen labada dhinac.

Warar ku dhowdhow Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inuu diyaarinayo dhismaha Xisbi cusub oo siyaasadeed, kaasoo uu isagu guddoomiye ka yahay, laguna wado inuu dhawaan uga dhawaaqo magaalada Baydhaba.

C/acasiis Laftagareen ayaa ka mid ahaa madxda saddexda Maamul Goboleed ee taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxaa muuqata inuu kasii degayo Tareenkii Villa Somalia oo ay hore uga hareen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

WARARKII KALE

Wasiir Roobow oo digniin u diray dadka sanadkan y safraya xajka

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow,...

Dad is qoys ah oo lagu dilay Magaalada Mandheere

Ugu yaraan lix qof oo isku qoys ahaa ayaa...

RW hore Saacid oo ka digay muddo kororsi uu sameysto MW Xasan Sheekh

War qoraal ah oo ka soo baxay R/wasaarihii hore...

DFS oo digniin u dirtay dadka ku howlan Tabriibka iyo kuwa ka shaqeeya

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles