Wednesday, June 17, 2026

DFS oo qorsheynaysa inay maamul cusub u dhisto Jubbaland iyo khilaafka oo weji cusub yeeshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa  inay maamul goboleed cusub u dhisto Jubbaland, kaasoo barbar socda Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ku cad War-murtiyeedkii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si gaar ah u tilmaamay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu amray inay soo diyaariso talo sharci ah oo lagu wajihi karo xaaladda maamulkaasisi lo helo hannaan sharci ah oo lagu xallin karo muranka taagan, looguna gudbo dhisidda dowlad-goboleed la aqoonsan yahay oo sharciyad buuxda leh.

Jubbaland ayaan ka qeyb galin shirkii Golaha Wadatashiga, taasoo salka ku heysta khilaafka gaaray gacan ka hadalka ee ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Dowladda Federalka .

Xaaladda Jubbaland ayaa gashay jahawareer siyaasadeed tan markii ay Kismaayo ka dhacday doorashadii muranka dhalisay Novembar, 2024, taas oo mar kale Axmed Madoobe uu kusoo baxay.

Dowladda Federaalka ayaa diiday in ay aqoonsato natiijadaas, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal toos ah.

 

Jubbaland ayaa si degdeg ah uga falceliyay war-murtiyeedkii Golaha NCC. Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Mukhtaar, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qodobada kasoo baxay shirkaasi ay yihiin kuwo kasoo baxay madaxda hal xisbi oo aan metelin rabitaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quseeyo Dowladda Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo carabka ku dhuftay in Jubbaland aysan wax lug ah ku lahayn go’aannadaasi, isla markaana aysan aqbalayn wax saameynaya awooddeeda siyaasadeed.

Xaaladda Jubbaland ayaa markale u muuqata mid galeysa marxalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo cadaadis uga imaanaya dowladda dhexe. Inkastoo Jubbaland si cad u diiday go’aannada Golaha Wadatashiga.

Maamulka cusub ee dowladda Federaalka dooneyso inay u dhisto Jubbaland ayaa La sheegay in laga abaabulayo Gobolka Gedo oo weli gacan ku heyntiis ay isku heystaan labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles