Tuesday, August 11, 2026

Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $10 milyan oo doolar, cid kasta oo keenta xog lagu qaban karo Cabdullahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga milatari ee Manda Bay, Kenya, subaxnimadii hore ee 5-tii Janaayo 2020.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay barnaamijka “Rewards for Justice” ee Dowladda Mareykanka, Cabdullahi Banati ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qorsheeyay ama ka qeyb qaatay abaabulka weerarkaasi, kaasoo sababay dhimashada saddex qof oo Mareykan ah – laba qandaraasle rayid ah iyo hal askari – iyo dhaawaca askari Kenyan ah. Weerarkaasi wuxuu sidoo kale sababay burbur xoog leh oo soo gaaray hantida ciidamada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin diyaarado iyo qalab milatari.

Mareykanka ayaa sheegaya in qofkii keena xog sugan oo horseedi karta in la qabto ama la geeyo maxkamad Cabdullahi Banati, uu heli karo abaalmarinta lacageed ee gaareysa ilaa $10 milyan, iyadoo sidoo kale la siin karo fursad dib-u-dejin ah oo ammaan ah.

Banati ayaa noqonaya shaqsigii labaad oo lagu raadjoogo si la mid ah, iyadoo horey abaalmarin lacageed oo lamid ah loo dul dhigay madax kale oo kooxda Al-Shabaab ah oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles