Saturday, August 8, 2026

Warmurtiyeedka xalay ka soo baxay shirka golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay war-murtiyeed ka soo saaray shirkoodii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo ku gaaray isfaham siyaasadeed iyo wadashaqeyn ku aaddan arrimaha amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isku raacay in la taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxa kale oo lagu adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda loo garab istaago ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga waxay ku heshiiyeen in dowlad-goboleedyadu si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka, si loo dardargeliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tallaabadan waxay muhiim u tahay sida war-murtiyeedka lagu sheegay, qabsoomidda doorashooyin xor ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa laga codsaday inay soo diyaariso talo sharci ah oo ku saabsan sida ugu habboon ee loo maarayn karo xaaladda maamulka Jubbaland. Wuxuu Golaha Wadatashigu sheegay in loo baahan yahay in la helo hannaan sharci ah oo xal u noqda khilaafka Jubbaland.

Dhinaca kale, Golaha Wadatashiga wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa lagu heshiiyay in la dhammeystiro shirweynaha SSC-Khaatumo si waafaqsan dastuurka dalka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles