M/weyne Xasan Shiikh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaala

dda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka AS, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka AS, tayeynta ciidamada iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles