Friday, April 3, 2026

Maaraayaha Hay’adda NIRA oo ka jawaabay cabasho ka soo yeertay Shacabka

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay’adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo sidoo kale faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay’addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee xarumaha hortooda.

“Waxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee Gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,” ayuu yiri Maareeyaha.

Ugu horreyn, waxa uu xusay in ay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay’addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg bixinta. Wuxuu sheegay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.

Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa intaa ku daray in hay’addu go’aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniinta si fudud u helaan adeega diiwaangelinta. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa’iido ay leedahay in la yimaado xarunta ka hor waqtigaas.

Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la’aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo in la ixtiraamo habraacyada rasmiga ah ee ay dejisay NIRA.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles