Thursday, February 6, 2025

Madaxwaynaha Soomaaliya oo shaaciyay hal arin oo ay ku xiran tahay midnimo Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Khawaarijta, ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.

 

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles