Monday, June 1, 2026

Madaxweynaha Faransiiska oo war ka soo saaray xiisada ka taagan Lubnaan

Madaxweynaha Faransiiska,Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in “aysan jirin wax cudurdaar u noqon kara xaaladda kasoo dareysa iyo duqeymaha Israa’iil ka waddo koofurta Lubnaan”.

Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay weerar cusub ku qaadeen koonfurta Lubnaan, halkaas oo khasaare ba’an ka dhashay.

Kadib markii ciidamada Israa’iil ay la wareegeen Beaufort Castle, Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobe ayaa la iskugu iman doona kulan degdeg ah Isniinta, kaas oo uu codsaday Faransiiska.

Macron ayaa sidoo kale qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay, kaddib wada-hadallo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka bariga dhex inay “lama huraan” tahay in si degdeg ah loo gaaro heshiis u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka

Hogaamiyeyaasha uu Madaxweynaha Faransiiska la hadlay waxaa kamid ah Mohammed bin Salman, Dhaxal-sugaha Sacuudiga; Haitham bin Tariq, Suldaanka Cumaan; Mohammed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta; iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah el-Sisi.

WARARKII KALE

Iran oo joojisay wadahadalada ay kula jirtay Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa ilo ku dhow dowladda...

Mareykanka oo ka digtay rabshado ka dhaca Muqdisho iyo fariin loo diray Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada...

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dib u celisay Kiiska Sacdiyo “Bajaaj”

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib ugu celisay Xafiiska Xeer...

Beesha Caalamka oo walaac ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Baaqna u dirtay Hoggaamiyeyaasha Dalka

Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed...

Masar Oo Soomaaliya Ka Dalbatay In La Sii Daayo Badmaaxiin Masaari Ah Oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulan...

Uganda Oo Ciidamo Cusub u soo direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay Soomaaliya u soo direyso...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles