Wednesday, September 3, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgallada lagu ciribtirayo kooxda al shabaab dardargelinta iyo sare u qaadida tababarada qeybkaha kala duwan ee Ciidamada iyadoo shirkaan warbixinno looga dhageystay saraakiisha amaanka oo ka warbixiyay amniga guud ee deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgallada baaxada leh ee lagu baacsayo Al shabaab ee ka socda deegaanada dhaca jiinka wabiga ee hoos taga Degmada Buulo burde, isagoo qeybaha kala duwan ee Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka kula dardaarmay baabi’inta cadowga arxanka daran.

Madaxweynaha ayaa laamaha aminiga kula dar daarmay adkeynta aminiga Caasimadda, iyadoo shirka lagu soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan sidii loo xoojin lahaa amniga.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles