Wednesday, September 3, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka Tacsiyey Geerida Nabadoon Farax Cabdi Waarre.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoyska oo ugu horeeyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waarre, qaraabada iyo guud shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Nabaddoon Faarax Cabdi Waarre.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheereyd ee uu marxuumka ka shaqeynayay aayo-ka-talinta iyo inuu qeyb ka ahaa bud-dhiga Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Faarax waxa uu lahaa taariikh weyn oo dhaqan. Doorar kala duwan ayuu ku lahaa Hirshabeelle iyo Soomaaliya oo dhan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka ayaa Alle u weydiiyay samir iyo iimaan iyo hooygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles