Thursday, July 31, 2025

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Garoowe iyo seddex sano kadib oo Deni iyo Madoobe oo kulmaya

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, halkaasi uu kulan kula qaadan doono madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada hoggaamiye ayaa maanta shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo looga hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka taagan  dalka.

Dhinacyada ayaa waxaa ay si gaar ah diirada saari doonaan wax ka beddelkii madaxtooyada Soomaaliya ay ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026.

Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubbaland ka taagan yihiin khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.

Seddex sano kadib waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan Axmed madoobe iyo Saciid Deni, tan iyo markii ay kala tageen doorashadii ka dhacday dalka sanadkii 2022, dhawaan ayay labada masuul waxaa ay kulan ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoona isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wixii ku soo kordha la soco.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles