Wednesday, January 7, 2026

Madaxweynaha Puntland oo Balanqaaday Inaan Dayac Amni Dhici Doonin

Madaxweynaha maamulka Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari, Kulanka oo ka dhacay qeybta shirarka ee xarunta Gobolka Bari waxaa looga badlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Argagixisadu soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.

“Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada Hirshabelle, kaasi oo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

“Waxaan u rajaynayaa Dawlad goboleedka hirshabeele inay ka guuleystaan cadawga kusoo duulay, iyaga, shacabkooda iyo dhamaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha...

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa...

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa...

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles