Madaxweynaha Puntland oo Balanqaaday Inaan Dayac Amni Dhici Doonin

Madaxweynaha maamulka Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari, Kulanka oo ka dhacay qeybta shirarka ee xarunta Gobolka Bari waxaa looga badlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Argagixisadu soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.

“Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada Hirshabelle, kaasi oo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

“Waxaan u rajaynayaa Dawlad goboleedka hirshabeele inay ka guuleystaan cadawga kusoo duulay, iyaga, shacabkooda iyo dhamaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles