Sunday, December 28, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wada-tashiyo Qaran la yeeshay Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan ballaaran la yeeshay Madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigaysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulamadaas ay barbar socdeen xiriiro khadka taleefanka ah oo Madaxweynuhu la sameeyay Madaxda dalalka Gobolka, kuwa Caalamka iyo Ururuada Caalamiga ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

Mucaaradka oo war ka soo saaray kulankii ay la qaateen MW Xasan Sheekh

Madasha smata-bixinta ayaa wrasaxaadaeeed ka soo saartay kulan ay...

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles