Saturday, November 1, 2025

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo Boolis ah ay la wareegi doonaan amniga Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in saacadaha soo socda ay ciidamo cusub oo boolis ah si rasmi ah ula wareegi doonaan guud ahaan amniga caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidankan cusub oo si gaar ah loo tababaray ay door muuqda ka qaadan doonaan hagaajinta iyo tayeynta nidaamka amniga magaalada, kaddib markii mararka qaar la dhaliilay qaabka amni ee hore u jiray.

“Ciidankan waa kuwo si gaar ah loo soo xulay, loo tababaray, islamarkaana leh aqoon iyo xirfad sare. Waxaa laga filayaa inay wax weyn ka beddelaan sugidda amniga caasimadda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa shacabka magaalada Garowe ugu baaqay inay soo dhaweeyaan ciidanka cusub oo ay la shaqeeyaan, si wadajir loogu adkeeyo nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Ciidankan cusub ayaa tababar adag oo muddo bilo ah socday ku qaatay kulliyadda ciidanka ee Carmo, halkaas oo bishii Oktoobar lagu soo xiray tababarkooda. Waxay ka kooban yihiin dhalinyaro aqoon leh oo ay ku jiraan saraakiil iyo xubno heer jaamacadeed gaarsiisan, kuwaas oo lagu qalabeeyay xirfado iyo aqoon la xiriirta ilaalinta amniga iyo adeegga bulshada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga caasimadda iyo guud ahaan gobollada Puntland, iyadoo la adeegsanayo ciidan tayo leh oo si hufan u shaqeeya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweynaha hirshabelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasarada arrimaha gudaha

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein aya ayaa...

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF ee dalka Suudaan

In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay...

Madaxweyne xasan sheikh oo gaaray dalka masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Maxkamada Racfaanka Galgaduud oo qaadaysa kiiskii rag lagu eedeeyay dilka Hooyo iyo Caruurteeda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles