TPLF oo ka digtay dagaal ba’an oo ay mar kale la galaan dawladda Itoobiya

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Bayaanka TPLF ayaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka soo wajahda.

Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay “ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Bayaanku wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda.”

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa.

Sida lagu sheegay bayaanka, dowladda federaalka ayaa heshiiskaas u dhigtay arrin farsamo oo keliya, taas oo keentay in aan si dhab ah loo hirgelin.

Bayaanku wuxuu xusay in kaddib dagaalkii ka dhacay Tigray, aqoonsigii sharci ururka laga qaaday, islamarkaana loo aqoonsaday in uu yahay “urur argagixiso.”

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu ka qaaday aqoonsigii sharci ee TPLF, isagoo ku sababeeyay in ururku ku lug lahaa dagaal hubeysan.

Waxa kale oo bayaanku lagu xusay in kaddib wada-hadallo soo noqnoqday oo lala yeeshay dowladda federaalka, la isla gaadhay heshiis lagu soo celinayo aqoonsiga sharci ee ururka.

Hase yeeshee, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si TPLF mar kale loo aqoonsado, ay khasab tahay inay dib isu diiwaangeliso sidii xisbi siyaasadeed cusub, maaddaama ururka oo jiray in ka badan soddon sano aanu sharci ahaan sii wadan karin aqoonsigii hore. Sidaas awgeed, arrintu weli waa mid muran sharci ahi uu ka taagan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles