Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wafdi Sare oo socda Mareykan Ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Mareykanka, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka safiirka, Justin Davis.

Kulanka oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, halka wafdiga Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AFRICOM, oo uu ku jiro Col. Shane Jones, Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray marxaladda kala guurka ah ee dalka galay iyo doorka Puntland ay ku leedahay xasilloonida iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland sida macdanta, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ku simaha safiirka Mareykanka, Justin Davis, ayaa bogaadiyay howlgalada ciidamada Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu sidoo kale ammaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, isagoo ballanqaaday in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo la-taliyeyaal sare oo ka tirsan xukuumadda Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles