Monday, December 29, 2025

Madaxweyne Xasan iyo wafdi Wasiiro ah oo saaka u ambabaxay dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya, halkaas oo uu madaxweynuhu ku tegayo booqasho rasmi ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin:

• Wasiirka Difaaca

• Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

• Wasiirka Xanaanada Xoolaha

• Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdisalaan Cali Dhaay

Inta uu joogo magaalada Algiers, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, iyo madax kale oo sare, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wadatashiga Qaranka oo ka horyimid damaca Israa’iil

Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyay in...

Midowga Baarlamaanada Carabta oo diiday damaca Israa’iil ee Somalilan

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay MW Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada...

Golaha ammaanka ee Q.M oo shir deg deg maanta ka yeelanaya aqoonsiga Somaliland ee Israaiil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan aan...

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo hanjabaad u diray Soomaaliland kadib aqoonsiga Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles