Friday, April 3, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Baydhabo ayaa daaran, dardargelinta adeegyada bulsho ee loo hayo shacabka deegaanka, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta iyo qeybaha bulshada, iyada oo diiradda la saari doono adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo iyo hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo himmilada shacabka soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.

 

WARARKII KALE

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo...

Iran oo si adag ugu hadashay Trump

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araghchi ayaa sheegay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles