Friday, August 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray   Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyaasha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Xasan Sheekh“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda...

Puntland oo DF ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda...

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Jeddah kula kulmay taliyaha CENTCOM

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman, ayaa Khamiistii magaalada...

Israa’iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo booliska Gaza ka tirsanaa

Israa’iil ayaa waxay xaqiijisay inay dishay sarkaal sare oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles