Saturday, April 4, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles