Thursday, August 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu wado in lagu soo dhoweeyo Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha ay la xiriirto xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan doorashadii dhowaan ka dhacday maamulka iyo sidii loo dhammaystiri lahaa geeddi-socodka doorashada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho dhinacyada kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada, gaar ahaan cid kasta oo tabasho ka qabta geeddi-socodka doorashada, si loo dhageysto aragtiyahooda loona raadiyo xal u gaar ah tabashooyinka jira.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu xarigga ka jaro laamiga cusub iyo garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, kuwaas oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee laga wado caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo xiro tababar loo sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabaddaasi ay qayb ka noqon doonto barnaamijka dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada dowladda.

Booqashada Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Galmudug ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo dadaallo lagu dhammaystirayo geeddi-socodka doorashada, iyadoo indhaha lagu hayo kulamada uu Madaxweynaha la yeelan doono madaxda maamulka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Israa’iil oo ciidamo dheeraad ah u direysa tuulo ay ku go’doonsan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah

Israa’iil ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles