Monday, May 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay RW Xamsa iyo odayaasha dhaqanka Beesha Mudulood

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa kulan albaabada u xiran yahay ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Qaranka, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha siyaasadeed ee dhawaan dalka ka soo cusboonaaday kuwaas oo sababay kacsanaan siyaasadeed, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu dadaal xooggan ugu jiro sidii loo yareyn lahaa khilaafka siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada dalka.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu qabto shir ballaaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, ayaa la qorsheeyay inay ka qeyb galaan madaxda maamul goboleedyada (marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”), mucaaradka siyaasadeed, iyo wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah.

Dhanka kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in isbeddel iyo isku shaandheyn ballaaran lagu sameyn doono Xukuumadda Federaalka, iyadoo qorshahani uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo tayada hoggaanka dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Mudullood, kaasoo ka dhacay Madaxtooyada. Kulankan oo uu codsaday Madaxweynaha ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxaa diiradda la saaray sidii dowladda iyo beesha Mudullood ay isaga kaashan lahaayeen dib u xoreynta deegaanada iyo degmooyinka ay kooxdaasi gacanta ku hayso.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo u dhexeeya dowladda iyo bulshada si loo adkeeyo amniga loona xoreeyo goobaha wali gacanta ugu jira argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles