Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan afur ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo tuute xirtay,una diyaar-garoobay dagaal ka dhan ah Lafta gareen

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Cirro oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waraaqaha...

Jubbaland oo mideysay ciidamadii Daraawiishta iyo kuwa cusub ee ku sugnaa Baladxaawo

Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah isugu dartay...

Aadan Madoobe oo Itoobiya ka dalbaday taageero milatari

Warbaahinta ka howlgasha Itoobiya ee Adis Startand ayaa werisay...

Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey

Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles