Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, taasi oo dhowaan dalka soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiye Naadiya ku bogaadiyey guulaha iyo doorka muuqda ee ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isaga oo tilmaamay in guulaha noocaas ahi ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka caalamka.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Naadiya kula dardaarmay in ay xoogga saarto ka qayb qaadashada xoojinta xiriirka soo jireenka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykan iyo sare u qaadidda kaalinta ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga.

Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, waxayna adkaysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles