Tuesday, November 11, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Rag ku eedeysan Ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa rasmiga ee Suuriya iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles