Tuesday, December 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si Diiraan loogu Soo Dhaweyay Magalada Tripoli Ee dalka liibiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada labad Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyada DFS ee sanadka 2026

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025 fuliyay...

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi...

Dagaal ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa ka socda Degmada Jalalaqsi, kaas oo...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya Cabdisalaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles