Madaxweyne Xasan Sheekh oo si Diiraan loogu Soo Dhaweyay Magalada Tripoli Ee dalka liibiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles