Wednesday, February 4, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun iyo Xogahayaha Guddiga, Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf, kuwaasi oo kusoo baxay doorasho hufan oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aqoonta iyo waayo aragnimada hoggaanka la doortay ee guddigu ay door muhiim ah ka qaadan-doonto xaqiijinta riyada Soomaaliya ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isaga oo ku adkeeyay Mas’uuliyiinta iyo Xubaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka.

Doorashada Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyada oo Soomaaliya dhowaan ay si buuxda dib ugula soo wareegtay, hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, taasi oo Soomaaliya u saamaxaysa in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii loo ballansanaa ee Iran iyo Mareykanka oo meel dal kale loo weeciyay iyo go’aanka Aqalka Cad

Warbaahinta laga leeyahay Mareykanka, Axios, oo soo xiganaysa ilo...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hay’adaha dowladda faray in mudnaanta koowaad ay siiyaan gurmadka abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Doorashada Guddoonka Guddiga xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon cusub na dooratay

Waxaa soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles