Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay doorkii iyo hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen guulo muhiim ah oo la xiriira dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday kalsoonida shacabka ee ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya difaaca dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo ciribtirka argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in xil-wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka dowladnimo, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu horumarinayo awoodda, anshaxa iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii hore dadaalkii iyo naf-hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna ballanqaaday taageero buuxda oo dhinaca wasaaradda ah si loo xaqiijiyo amniga dalka loogana guuleysto cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Munaasabadda xil-wareejinta, waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, taliyayaasha talisyada ciidamada, mas’uuliyiin, danjirayaasha dalalka Turkiga iyo ergooyinka beesha caalamka, iyo marti sharaf kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles