Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay doorkii iyo hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen guulo muhiim ah oo la xiriira dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday kalsoonida shacabka ee ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya difaaca dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo ciribtirka argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in xil-wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka dowladnimo, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu horumarinayo awoodda, anshaxa iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii hore dadaalkii iyo naf-hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna ballanqaaday taageero buuxda oo dhinaca wasaaradda ah si loo xaqiijiyo amniga dalka loogana guuleysto cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Munaasabadda xil-wareejinta, waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, taliyayaasha talisyada ciidamada, mas’uuliyiin, danjirayaasha dalalka Turkiga iyo ergooyinka beesha caalamka, iyo marti sharaf kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles