Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo lagu sameeyay Taliska Guutada ilaalada Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ee 77 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee dib loo dhisay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin xafiisyada Taliska Guutada, Taliska Ururada, Isbitaalka, Xabsiga iyo Masaajidka Guutada, isaga oo bogaadiyey heerka tayada leh ee loo fuliyey dib u dhiska iyo sida loo xoojiyey hannaanka shaqo iyo adeegyada Taliska iyo Ciidanka Guutada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u dul istaagay goob lagu maamuusay xusuusta saraakiishii iyo askartii Guutada 77 uga shahiiday dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo Masjidka Taliska Guutada oo loogu magac daray Halyeey Maxamed Xayle oo ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarihta, tallaabadaasi oo astaan u ah qaddarinta geesiyaasha naftooda u huray difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Taliska iyo Ciidamada Guutada sida hufan ee ay u guteen waajibaadka qaran ee ka saaran xaqiijinta amniga Madaxtooyada iyo ilaalinta madaxda Qaranka, tan iyo markii ay si buuxda ula wareegeen masuuliyaddaas, kaddib bixitaankii ciidamadii ATMIS ee hore u hayey hawshaasi.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles