Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo lagu sameeyay Taliska Guutada ilaalada Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ee 77 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee dib loo dhisay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin xafiisyada Taliska Guutada, Taliska Ururada, Isbitaalka, Xabsiga iyo Masaajidka Guutada, isaga oo bogaadiyey heerka tayada leh ee loo fuliyey dib u dhiska iyo sida loo xoojiyey hannaanka shaqo iyo adeegyada Taliska iyo Ciidanka Guutada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u dul istaagay goob lagu maamuusay xusuusta saraakiishii iyo askartii Guutada 77 uga shahiiday dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo Masjidka Taliska Guutada oo loogu magac daray Halyeey Maxamed Xayle oo ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarihta, tallaabadaasi oo astaan u ah qaddarinta geesiyaasha naftooda u huray difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Taliska iyo Ciidamada Guutada sida hufan ee ay u guteen waajibaadka qaran ee ka saaran xaqiijinta amniga Madaxtooyada iyo ilaalinta madaxda Qaranka, tan iyo markii ay si buuxda ula wareegeen masuuliyaddaas, kaddib bixitaankii ciidamadii ATMIS ee hore u hayey hawshaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles