Wednesday, November 12, 2025

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo midnimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in labada madaxweyne ay si weyn uga doodeen arrimaha amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, ayna isku raaceen in la sii wado wada-shaqaynta ku aaddan sidii loo taageeri lahaa dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka oo dhan.

Madaxweyne Sisi ayaa ka hadlay muhiimadda ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan, isagoo xusay dadaalka Masar ee lagu dhimayo masiibada bani’aadantinimo ee halkaas ka taagan.

Madaxweyne Sisi ayaa mar kale muujiyay mowqifka Masar ee ka dhanka ah tallaabooyinka Itoobiya ee saameyn kara xuquuqda biyaha ee dalkiisa, halka Madaxweyne Ruto uu ku baaqay wada-shaqeyn iyo isfaham dhex mara dalalka ku yaalla webiga Nile.

Labada Madaxweyne ayaa ugu dambeyntii ku celiyay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo wadatashiga siyaasadeed, iskaashiga amniga iyo wadajirta gobolka, si loo gaaro nabad waarta iyo horumar guud oo ka dhaca Geeska Afrika.

Dalalka Kenya iyo Masar ayaa ka mid ah wadamada si weyn taageerada u siiya Soomaaliya.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

Mas’uuliyiin xasaanad leh iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay colaadda Wanlaweyn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa degmada Wanlaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles