Saturday, February 14, 2026

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo midnimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in labada madaxweyne ay si weyn uga doodeen arrimaha amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, ayna isku raaceen in la sii wado wada-shaqaynta ku aaddan sidii loo taageeri lahaa dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka oo dhan.

Madaxweyne Sisi ayaa ka hadlay muhiimadda ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan, isagoo xusay dadaalka Masar ee lagu dhimayo masiibada bani’aadantinimo ee halkaas ka taagan.

Madaxweyne Sisi ayaa mar kale muujiyay mowqifka Masar ee ka dhanka ah tallaabooyinka Itoobiya ee saameyn kara xuquuqda biyaha ee dalkiisa, halka Madaxweyne Ruto uu ku baaqay wada-shaqeyn iyo isfaham dhex mara dalalka ku yaalla webiga Nile.

Labada Madaxweyne ayaa ugu dambeyntii ku celiyay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo wadatashiga siyaasadeed, iskaashiga amniga iyo wadajirta gobolka, si loo gaaro nabad waarta iyo horumar guud oo ka dhaca Geeska Afrika.

Dalalka Kenya iyo Masar ayaa ka mid ah wadamada si weyn taageerada u siiya Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles