Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda Venezuela ay diyaarisay qorshe dagaal oo ballaaran, kaas oo loogu talagalay inay kaga hortagto duullaan suurtagal ah oo ay ka cabsi qabto in Mareykanku ku qaado dalkooda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan lagu daadiyay gobollada kala duwan ee Venezuela, gaar ahaan meelaha istaraatiijiga ah, iyadoo la diyaariyay guutooyin khaas ah oo ku takhasusay dagaalka dhuumaalaysiga  “ku dhufo oo ka dhaqaaq”, si ay u fuliyaan weerarro aan joogto ahayn haddii ciidanka Mareykanka ay gudaha u soo galaan dalka.

Saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Venezuela ayaa sheegay in dalkoodu uusan awoodin dagaal toos ah oo fool-ka-fool ah la galo Mareykanka oo ah quwad ciidan oo aad u awood badan, balse ay doorteen xeelad dagaal oo dhinaca dhulka iyo dadka deegaanka ku saleysan, taas oo lagu carqaladeynayo isku day kasta oo Mareykanku ku doonayo inuu nidaam taageersan Washington ka dhiso gudaha Venezuela.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay xeelad difaac qaran oo uu Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, amray kadib markii uu ku eedeeyay Mareykanka inuu “ku jiro qorshe lagu faragelinayo arrimaha gudaha ee Caracas.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay gobolka Latin America, iyadoo Venezuela ay mar kale ku adkaysanayso in aysan aqbaleyn “cadaadis shisheeye” ama isku day kasta oo lagu doonayo in la beddelo hoggaankeeda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles