Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsiga la dhigay

Jair Bolsonaro ayaa xabsiga la dhigay kadib markii la go’aansaday inuu isku dayayo inuu dalka ka duulo xilli uu ku jiro xabsi guri.

Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa lagu helay inuu isku dayayay afgembi militari bishii September waxaana lagu xukumay 27 sano oo xabsi ah, balse wuxuu kusii jirayaa xabsi guri ilaa uu racfaan qaadanayo.

Garsooraha Maxkamadda ugu Sarreysa Brazil Alexandre de Moraes ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray Bolsanaro oo 70 jir ah ay tahay mid looga hortagayo xaqiiqooyin cusub oo soo if-baxay.

Bolsanaro ayaa qirtay inuu isku dayaya inuu furo qalabka anqawga uga xiran ee lagula socdo, balse wuxuu beeniyay inuu doonayay inuu gebi ahaan iska saaro.

Saraakiisha maxkamadda ayaa sheegay inuu doonayay inuu adeegsado isu soo bax la qorsheeyay oo ka dhacayay dibadda gurigiisa si uu marmarsiyo uga dhigto inuu isaga saaro qalabkaas.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles