Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsiga la dhigay

Jair Bolsonaro ayaa xabsiga la dhigay kadib markii la go’aansaday inuu isku dayayo inuu dalka ka duulo xilli uu ku jiro xabsi guri.

Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa lagu helay inuu isku dayayay afgembi militari bishii September waxaana lagu xukumay 27 sano oo xabsi ah, balse wuxuu kusii jirayaa xabsi guri ilaa uu racfaan qaadanayo.

Garsooraha Maxkamadda ugu Sarreysa Brazil Alexandre de Moraes ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray Bolsanaro oo 70 jir ah ay tahay mid looga hortagayo xaqiiqooyin cusub oo soo if-baxay.

Bolsanaro ayaa qirtay inuu isku dayaya inuu furo qalabka anqawga uga xiran ee lagula socdo, balse wuxuu beeniyay inuu doonayay inuu gebi ahaan iska saaro.

Saraakiisha maxkamadda ayaa sheegay inuu doonayay inuu adeegsado isu soo bax la qorsheeyay oo ka dhacayay dibadda gurigiisa si uu marmarsiyo uga dhigto inuu isaga saaro qalabkaas.

WARARKII KALE

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles