Wednesday, October 22, 2025

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay tuulada Aw Gaduud oo hoos timaada degmada Wanla Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu Risaala u sheegay Xildhibaan Qaasim Maxamed Abuukar oo ka mid ah Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka lagu dilay afar qof oo beeraley ah, halka tiro kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadkii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ay si buuxda uga dhuunteen deegaanka, taasoo ciidamada ammaanka ay hadda wadaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidan ka amar qaata Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ay falkaasi geysteen.

Sidoo kale, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo beelaha deegaanka ay isu abaabulayaan, taas oo cabsi gelisay dadka rayidka ah ee ku nool nawaaxiga Wanla Weyn.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo xiisadda iyo in la qaado tallaabo adag oo lagaga hortagayo falalka aargoosiga ah ee sii hurin kara colaadda deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles