Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale u baaqday kooram la’aan, kaddib markii tiro badan oo xildhibaano ah ay ka maqnaayeen kulanka.

Xildhibaano badan ayaa weli ku sugan magalada Muqdisho, hase yeeshee aan ka qeybgelin fadhiyada Baarlamaanka, taasoo sababtay in aan la helin tiradii sharciyeysay ee lagu guda geli lahaa ajandaha maanta.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Mucaaradka iyo Muxaafadka ee ka maqan kulanka maanta ay kamid yihiin xubno caan ah, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa fariin adag u diray xildhibaanada ka baaqda fadhiyada, isagoo ku booriyay inay soo xaadiraan si looga gudbo hakadka shaqada Baarlamaanka.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dib loo qorsheeyo fadhiga maanta baaqday, iyadoo weli ay taagan tahay doodda ku saabsan sababta keentay in markasto ay ka maqnaadaan xildhibaanada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles