WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza ay la daalaa dhacayso musiibo caafimaad oo saamayn doonta jiilal badan oo soo socda.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u sheegay warbaahinta in Qaza ay wajahayso isku dhafka xaalado halis ah sida gaajo, cudurro iyo nidaamka caafimaadka ee burburay, taas oo ka sii dartay sababo la xiriira xayiraadaha saran gargaarka bini’aadanimo.

Tedros ayaa sheegay in qaybinta gargaarka ay aad u hoosayso loona baahan yahay dib u dhiska nidaamka caafimaadka ee deegaanka.

Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in aysan shuruudo ku xirin gaarsiinta gargaarka Qaza, isaga oo intaa ku daray in aan gargaarka loo adeegsan hub ahaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles