Thursday, June 25, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay tuulada Aw Gaduud oo hoos timaada degmada Wanla Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu Risaala u sheegay Xildhibaan Qaasim Maxamed Abuukar oo ka mid ah Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka lagu dilay afar qof oo beeraley ah, halka tiro kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadkii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ay si buuxda uga dhuunteen deegaanka, taasoo ciidamada ammaanka ay hadda wadaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidan ka amar qaata Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ay falkaasi geysteen.

Sidoo kale, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo beelaha deegaanka ay isu abaabulayaan, taas oo cabsi gelisay dadka rayidka ah ee ku nool nawaaxiga Wanla Weyn.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo xiisadda iyo in la qaado tallaabo adag oo lagaga hortagayo falalka aargoosiga ah ee sii hurin kara colaadda deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles