Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka afduubtay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgalaya isbitaalka guud ee magaalada, kana tirsanaa hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF).

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay ka dambeeyeen afduubka dhakhtarka, kuwaas oo la sheegay inay hore u faafiyeen muuqaallo ay ku codsanayaan in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana haatan ku xiran magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Ninka ay dalbadeen sii deyntiisa ayaa la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland, Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo sanadkii 2020-kii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in afduubka dhakhtarka uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil ah, iyadoo la soo werinayo inuu dhakhtarka hayb la wadaagta Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Falkan ayaa si weyn u cambaareeyay bulshada ku nool Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo dhakhtarka, islamarkaana laga fogaado falalka amni darrada ah ee saameynaya shaqaalaha caafimaadka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax ah  oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee Puntland, balse waxaa la filayaa in arrintan ay dhalin karto cadaadis cusub oo ku saabsan xaaladda amni ee xillugan ka jirta gobolka Mudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles