Ciidamada Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Gomboole ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale ciidamada ayaa burburiyay goob ay kooxdaasi ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada fuliyay howlgalka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga dalka, laguna wiiqayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada xoogga ayaa kordhiyay howlgalada lagu beegsanayo maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.


