Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay deegaannada u dhexeeya Maraayo iyo Baalal-dheer, kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal deegaanka ku sugan ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu sababay dhibaato xoogan oo soo gaartay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkan ay horey dhowr jeer ugu dagaallameen meelo kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dagaalladooda badanaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal horey u dhacay.
Inkasta oo dagaalka uu socday saacado badan, haddana ma jirto wax talaabo ah oo ay qaadeen maamulka Galmudug ama dowladda federaalka Soomaaliya si loo joojiyo colaadda iyo loo xalliyo muranka u dhexeeya labada dhinac.
Galgaduud ayaa ka mid ah gobollada dalka ee ay inta badan ka dhacaan dagaallada beeleed, kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maal leh, kana dhigaya deegaanka mid aan xasillooni ka jirin.


