Thursday, June 25, 2026

Soomaaliya oo ku dhow in ay noqoto dalka ugu xoolo dhoofin badan dunida

Warbixin cusub oo ay daabacday Bloomberg ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhowaan noqon karto dalka ugu xoolo badan ee caalamka u dhoofiya, kadib markii dalalkii hore uga tartami jiray suuqyada xoolaha ay hakad geliyeen dhoofintoodii.

Warbixinta ayaa xustay in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed sanadkii 2024 uu gaaray ku dhawaad hal bilyan oo doolar, taasoo muujinaysa koboc weyn oo dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga xoolaha ah.

Sida lagu sheegay warbixinta, Suudaan oo kamid ahayd dalalkii si weyn ula tartami jiray Soomaaliya ayaa wajahaysa dagaallo gudaha ah, halka Australia — oo ahayd mid kale oo hormuud ka ahayd dhoofinta xoolaha nool  ay si ku-meelgaar ah u joojisay dhoofka xoolaha, taas oo Soomaaliya siisay fursad suuqyo caalami ah oo furan.

Bloomberg ayaa tilmaamtay in xaaladdan ay Soomaaliya u abuurtay fursad istiraatiiji ah, haddii si hufan loo maamulo, ay dalka u noqon karto il dhaqaale oo weyn oo xasilloon, isla markaana wax weyn ka beddeli karta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka gudaha.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe dadaal xoog leh ku bixisay kor u qaadista tayada xoolaha, caafimaadka xoolaha, iyo shahaadooyinka dhoofka, iyadoo si joogto ah u dhoofisa xoolo ay ka mid yihiin geel, ari, iyo lo’ dalal badan oo Carbeed sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Cumaan.

Khubarada dhaqaalaha ayaa ku taliyay in dowladda Soomaaliya ay xoojiso kaabayaasha ganacsiga iyo nidaamka maaliyadeed ee dhoofka, si fursaddan taariikhiga ah loogu beddelo horumar waara iyo dakhliga qaranka oo sii kordha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles