Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka, Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka, Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer iyo Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn: Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah, Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles