Maraykanka iyo Iiraan oo sii Kordhiyay Weerarrada iyo xiisada oo kacaan

Weerarrada cirka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogaystay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan duqeymo iyo hanjabaado cusub oo sare u qaaday xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay beegsadeen isla markaana ay joojiyeen markab marayay Marinka Hormuz, iyagoo arrintaas ku tilmaamay jawaab ka dhan ah weerarrada Maraykanka uu ku qaaday magaalooyin ku yaalla koonfurta Iiraan.

Sidoo kale, IRGC waxay sheegtay in wejiga labaad ee waxa ay ugu yeertay aargudashada lagu beegsaday saldhigga cirka ee Maraykanka ku leeyahay Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo ay sheegeen in waxyeello loo geystay xarumaha dayactirka diyaaradaha dagaalka iyo xarunta taliska iyo xakamaynta.

Dhanka kale, Maraykanka ayaan weli si buuxda uga jawaabin faahfaahinta sheegashada Iiraan, iyadoo xaaladda gobolka ay sii ahaanayso mid kacsan, gaar ahaan agagaarka Marinka Hormuz oo ah marin muhiim u ah ganacsiga shidaalka caalamka.

Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sare u kacday kadib weerarrada is-daba jooga ah ee labada dhinac ay ku qaadayaan goobaha milatari iyo xarumaha istiraatiijiga ah.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles