Friday, April 10, 2026

Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan ka soo ambabaxay dalka Venezuela, sida ay sheegtay waaxda amniga gudaha Mareykanka.

Waa markabkii labaad ee nooca shidaalka qaada oo bishan gudaheeda uu Maraykanku ku qabto xeebaha dalkaas,

Tallaabadan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii sheegay in uu amray in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela.

Venezuela ayaan weli ka jawaabin qabashadii ugu dambeysay ee Mareykanka, balse waxay horey ugu eedeysay Washington inay dooneyso inay xado kheyraadka shidaalka.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay ciidamada ilaalada xeebaha Mareykanka, si lamid ah howlgalkii horaantii bishan. Markabka waxaaa saarnaa koox farsamo oo gaar ah, wuxuuna ku sugnaa biyaha caalamiga ah markii la qabsaday.”

Xoghayaha Waaxda Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo waaxdeedu kormeerto Ciidanka Xeebaha, ayaa muuqaalka hawlgalka ku baahisay X.

“Howlgal subaxnimo hore oo bisha Dec 20, ciidamada ilaalada xeebaha Maraykanka oo taageero ka helay waaxda dagaalka ayaa qabtay markab nooca shidaalka qaada ah kaasoo xirashasdiisii ugu dembaysay ahayd Venezuela,” ayey qoraalkeeda ku tiri Noem.

Waxay sidoo kale soo bandhigtay muuqaal toddobo daqiiqo ah oo ku saabsan howlgalka, kaasi oo u muuqday mid muujinaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo ku degaya sagxada markab uu dhinac kaga qoran yahay magaca Centuries.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles