Monday, July 27, 2026

Maraykanka oo Xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, Somaliland-na u arkay Saaxiib Istaraatiiji ah

Dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska ku caddeysay inay weli aqoonsan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Somaliland lagu tilmaamay saaxiib suurtagal ah oo laga wada shaqayn karo dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa sheegtay in Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay si joogto ah booqashooyin ugu tagto Somaliland si ay ugala hadasho arrimaha amniga, gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta dhaqaalaha. Maraykanku wuxuu xusay in booqashooyinkaas lagu fuliyo habraacyo amni oo la mid ah kuwa laga adeegsado Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan goobta ay kaga taallo marin-biyoodka Bab al-Mandab, doorka ay ka qaadan karto la dagaallanka argagixisada, iyo fursadaha maalgashi ee ku xeeran dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera.

Hase yeeshee, Maraykanku wuxuu tilmaamay in muranka siyaasadeed ee ku saabsan xaaladda Somaliland iyo caqabadaha amni ay weli saameyn ku leeyihiin maalgashiga caalamiga ah, adeegyada bangiyada iyo koboca ganacsiga.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Maraykanka, gaar ahaan AFRICOM, ay Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale kala shaqeeyaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo gobolka loo arko meel muhiim u ah la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo xiriirrada suurtagalka ah ee ay la leeyihiin Xuutiyiinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles