Mareykanka oo hub ka iibinaya Hindiya

Mareykanka ayaa ansixiyay heshiiska ay Hindiya uga iibineyso labo hub oo muhiim ah militariga dalkasi.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Mareykanka uu ansixiyay in laga iibiyo Hindiya hub qiimihiisu dhan yahay $92.8 milyan oo u dhiganta ku dhawaad .

Hubka laga iibinayo Hindiya waxaa ka mid ah gantaalada lidka taangiyada ee Javelin iyo gantaalka ka hortaga gantaalaha ee Excalibur, kaas oo si sax ah u garaaci kara bartilmaameedyada.

Heshiiska ayaa yimid sagaal bilood ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu kula kulmay Donald Trump Washington, halkaas oo labada dal ay ku ballan-qaadeen iskaashiga dhanka difaaca.

Bishii October ee sanadkan, heshiis guud ayaa dhexmaray Hindiya iyo Mareykanka si loo ballaariyo iskaashiga difaaca muddo toban sano ah.

Waxaa jira warar sheegaya in Trump uu ka codsaday Hindiya inay iibsato hub badan oo lagu sameeyo Ameerika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles