Wednesday, January 14, 2026

Mareykanka oo sheegay in canshuuraha Minnesota loo weeciyo Al-Shabaab iyo baaris cusub oo bilaabanaysa

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu socdo baaritaan ku saabsan eedeymo culus oo la xiriira in lacago canshuureed oo laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyay kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in baaritaanku weli socda, isla markaana natiijooyinka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo.

Talaabadan ayaa imaneysa xilli madaxweynaha Mareykanka uu Minnesota ku tilmaamay “xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda”, halka xildhibaanno ka tirsan Jamhuuriga ay warbaahinta u gudbiyeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shabakado maaliyadeed oo khiyaano ah ay Shabaab u horseedeen dhaqaale.

Badhasaabka Minnesota, Tim Walz, oo wareysi bixiyay Axaddii, ayaa qirtay in gobolkaasi uu soo jiito dambiilayaal maaliyadeed, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dambiga lagu helo la horgeynayo maxkamad.

Dhanka kale, waaxda hantida dibadda ee Wasaaradda Lacagta Mareykanka ayaa hore u xayirtay  bishii March 2024 shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay dhaqaale u ururiyaan al-Shabaab, kuwaas oo xarumahoodu ku yaallay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

Shabakaddan ayaa loo aaneynayaa inay taageero dhaqaale siiyeen al-Shabaab oo xiriir la leh al-Qaacida, isla markaana ka dambeysay weerarro badan oo ka dhacay Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay waaxda Maaliyadda Mareykanka, al-Shabaab ayaa sanadkii urursada in ka badan $100 milyan, iyagoo lacagahaas ka soo qaada ganacsatada iyo shacabka ku nool deegaannada ay maamulaan, ka hor inta aysan u gudbin kooxaha al-Qaacida ee ay xiriirka la leeyihiin.

Mareykanka ayaa sheegay inuu la shaqeynayo dowladda Soomaaliya iyo dalalka gobolka si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee al-Shabaab, loona burburiyo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee taageera.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles