Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbaland, Soomaaliya, 23-kii Agoosto 2025, ku dhawaad 200 km koofur-galbeed ka xiga Muqdisho.
“AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada hawlgallada lagu daciifinayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarada halis gelin kara Mareykanka, ciidamadiisa, iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.” ayaa lagu yiri warka.
AFRICOM ma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbaland.
Sidoo kale Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka taageerto howlgalada duqeynta ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo Daacish.